site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

RA’IISAL WASAARE GEEDI OO UGU DEEQAY $1500 DADKII KU DHAAWACMEY QARAXII SHALAY KA DHACAY STADIUM MOGADISHO May 4, 2005

Deeqdan ayaa ka danbeesay kadib markii uu ra`iisal wasaarahu uu tagay isbitaalada Alxayaat, Madiino si uu ugu kuurgalo xaaladaha caafimaad ee dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay xilligaasoo ra`iisal wasaaruhu uu halkaa ka qudbeynayay.

Bukaanada ku sugan isbitaalka Madiina oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 30meeyo ayaa geeddi waxaa uu ka codsaday dhaqaatiirta Madiina inay u soo gudbiyaan bukaanada aan dhaawacooda dalka waxba looga qaban Karin waxaa uuna sheegay in xukuumadda ay gacan ka geysaneyso sidii dibadda loogu qaadi lahaa islamarkaasina loo baxnaanin lahaa waxaa uuna bixiyay lacag gaareysa $1000.

Geeddi waxaa uu u duceeyay dhamaan inta dhaawaca ah iyo inta shalay geeriyootay Sidoo kale ra`iisal wasaare Geeddi waxaa uu booqday bukaanada isbitaalka Xayaat waxaana uu ka sheegay inuu aad uga xun yahay waxyaabihii shalay dhacay hase yeeshee waxaa uu isla goobtaa ku bixiyay lacag cadadkeeda lagu sheegay 500 Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta ra`iisal wasaaraha la guddoonsiiyay furaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyadoo uu isna ku sii wareejiyay Cismaan Dufle oo ah wasiir ku-xigeenka w/caafimaadka waxaana labaduba ay sheegeen in shacabka wax loogu qabanayo howlaha isbitaalkuna ay lagama maarmaan u yihiin nolosha shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu booqday tuulada SOS waxaana uu goobtaas ka sheegay inay qiimeyn doonaan dadka gacanta ka geystay howlaha SOS,sidoo kale waxaa uu booqday sooro Marzo oo iyadu dhowaan dhaawac uu ka soo gaaray ban gacmeed lagu weerarayn SOS waxaana booqashadiisu ay ku beegantay xilli dadka caasimadda muqdisho ay u hayaan madaxda dowladda federaalka soo dhoweyn kal iyo laab ah.

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia