SOMALINET NEWS ...Archives
RA`IISAL WASAARE GEEDDI OO KA HADLAY BAASABOORKA SOOMAALIYA May 4, 2005
Hadalkaan oo uu siiyay saxaafadda muqdisho ayaa mr geeddi waxaa uu sheegay in xukuumadiisu ay ku howlan tahay sidii loo heli lahaa baasaboor la aqoon sanyahay taasina ay iminka tahay talaabo hortaala xukuumada uu hogaamiyo Waxaa uu intaas ku daray in labada bilood ee soo socota ay soo saari doonaan baasaboor cusub oo la aqoonsanyahay kaasi oo wax weyn ka taraya howlaha safarka dadweynaha
Geeddi ayaa sidoo kale waxaa uu ka xumaaday dhibta baasaboorada oo uu sheegay inay si gaara u heysato gacansatada dalka iyo dibadaha isaga kala goosha iyo xitaa cidda dhoof dooneysa
Dhinaca kale ra`iisal wasaare geeddi ayaa ka hadlay dhismaha ciidanka soomaliyeed waxaa uuna sheegay in iminka aan loo heyn wax qarash ah ciidamada milateriga hase yeeshee waxaa uu yiri,waxaanu dooneynaa inaan dowladaha aanu sxbka nahay inaanu weydiisano qarash aan ku dhisno ciidamada booliiska Geeddi ayaan sheegin sababta uu sida gaarka ah ugu doortay dhismaha ciidamada booliiska islamarkaasina uu u diiday kuwa milateriga waxaase uusan meesha ka saarin in xukuumaddiisa ay ka mid tahay wasaaradda gaashaandhiga loona baahnaan karo milateri
Mar uu ka hadlayay ciidamada la keenayo soomaliya waxaa uu tilmaamay in ciidamadaas laga doonayo inay tababar bixiyaan islamarkaana ay hubka naga qaadaan si dhexdhexaadnimo ah
Sidoo kale mar uu ka hadlayay war dhowaan ay qoraty jariidada new vision ee ka soo baxda waddanka ugandha,taasi oo qortay dib u dhac ku yimid ciidamada ugandha ee la doonayay inay soomaliya yimaadaan ayaa ra`iisal wasaaruhu waxaa uu kaga jawaabay u maleeyn mayo inay sax qortay laakiin dowladuhu saxaafad waxba isuguma sheeggaan,waxayse wax isugu gudbiyaan habab caddeymo watta Geeddi waxaa uu sheegay inuu sugayo seddax bilood xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada muqdisho haddii ay la imaan waayaan waxqabad muuqda howsha aniga ayaa kala wareegaya oo ma sugayo intaa ka bada
Ugu danbeystii kulankii manta ee saxaafadda uu la yeeshay waxaa uu ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo go`aankii baarlamaanka ee 17kii maarso oo uu tilmaamay inuu ahaa mid qalad ah oo aan loomeel dayin
Xasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia