SOMALINET NEWS ...Archives
ODAYAAL IYO NABADOONO MAANTA SOO GAARAY MAGAALADA BAYDHABO May 4, 2005
Odayaashan oo ah malaaqyada gobolada Bay iyo Bakool maalmahana ku mashquul ku ahaa dhexdhexaadinta laba beelood oo ku dagaalamay tuulada iidaale oo Bay ka tirsan waxaana wararka halkaas ka imaanaya ay tilmaamayaan in malaaqyadi ay inta badan khilaafkii labada beelood ee diritu dhexmartay.
Beelaha ay dhexdhexaadinta ka wadeen ayaa kala ahaa Hubeer iyo Yantaar kuwaasi oo isku hayay gacan ku heynta tuulada iidaale ee G/Bay.
Intii ay ku sugnaayeen degaanada dagaaladu ay ka dhaceen waxaa ay kulamo la yeesheen qeybaha kala ee bulshada halkaasi ku dhaqan sida odoyaasha labada dhinac.
Wararka ayaa intaa ku daraya in beelaha dagaalku uu ka dhaxeeyay in labaduba aqbaleen inay u hogaansamaan dhamaan talooyinka malaaqyada digil iyo mirifle waxayna iska soo xuleen ilaa 16xubnood kuwaasi oo ka shaqeeynaya xalka gaarista lahaansha tuulada iidaale oo ay ku nafwaayeen boqolaal dad ah iyadoo dhaawacuna uu intaa ka saa`id caleeyay,dagaaladaas ayaa sabab u noqday in dhamaanba dab la qabadsiiyo tuulada iidaale oo dhan.
Xasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia