SOMALINET NEWS ...Archives
CIIDAMADA ILAALADA XUDDUUDAHA KENYA OO SOO GALAY TUULADA DHAMASE OO KA TIRSAN DEGMADA CEELWAAQ May 4, 2005
Wararka ka imaanaya gobolka gedo ee koonfurta soomaliya ayaa sheegaya in saakay ay tuulada dhamase cagaha ay soo dhigeen ciidamada xudduudaha Kenya.
Ciidamadaan oo saacado ku sugnaa halkaasi iyo weliba deegaanada ku teedsan ayaa wararku sheegayaan in ay la kulmeen odoyaasha iyo wax garadka deeganaadaasi.
Warar aan ka helay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidankani uu daba joogo gaari Land cruiser ah oo shalay dableyda gobolka gedo ay ka soo dhaceen xudduuda gudaha kenya.
Ilaa iminka ma jiraan warar muujinaya socodka askarta kiinyaatiga ah ee deeganadaas Hase yeeshee imaatinkooda ayaa ku soo beegmay xilli ay halkaasi ka jiraan colaado iyo dagaalo u dhaxeeya beelaha Mareexaan iyo Garre oo iyagu isku haya gacan ku heynta magaalada ceelwaaq.
Si kastaba ha ahaate dagaalada ceelwaaq ayaa saameyn toos ah ku yeshay isu socodka dadweynaha ee deegaanada xudduudda soomaliya iyo Kenya dhaca iyadoo iminka dowladda Kenya ay gebi ahaanba xirtay xudduuda ay soomaliya la wadaagto.
Xasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia