site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

XUBNAHA LABADA GOLE EE JOOGA NAIROBI OO BOGAADIN U DIRAY RA`IISAL WASAARAHA May 5, 2005

Dhamaan bulshada ku sugan Kenya oo ay ku jiraan labada gole ayaa si xoog leh u soo dhoweeyay booqashada cali maxamad geeddi uu shalay ku soo kala bixiyay qaar ka tirsan isbitaalada muqdisho oo ay ku jiraan qaar ka mida dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay garoonka ciyaaraha ee stadium Mogadishu

Sidoo kale waxaa ay soo dhoweeyeen deeqdii lacageed oo uu mr geeddi guddoonsiiyay bukaanada qaarkood, taasi oo Gaareysay $1500 waxayna sheegeen inay taasi tahay talaabo horay loo qaaday oo ku dayasho mudan

Talaabadan waxaa kale oo geesinimo ku tilmaamay shacabka caadiga ah ee ku sugan xaafadda ISLII ee Kenya, waxayna sheegeen in cali geeddi uu u muuqdo mid kasbanaya shacabka soomaliyeed

Dhinaca kale ra`iisal wasaare geedi ayaa sheegay in ganacsatada somaliyeed ay u madaxbanaanaan doonaan howlahooda ganacsi, taasoo uu ku lug xiray bixinta canshuuraha, waxaa uuna intaa ku daray in dowladdu ay jaangoyn doonto islamarkaana ay hubin doonto amaankooda

Si kastaba ha ahaatee geedi ayaa shacabka soomaliyeed ka dareemay hamuunta ay u hayaan dowladda waxaanu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay u dhalatay shacabka islamarkaasina ay dhiirigelin shaqsi ah ku sameyneyso gudashada waajibaadkiisa qaran

Xasan dhaaleey

Dheel10@hotmail.com

Mogadsihu Somalia