SOMALINET NEWS ...Archives
SOOMAALIYA OO LAGU EEDEEYEY ARIMO ARGAGIXISO May 5, 2005
Baarayaal ka tirsan Qaramada midoobay ayaa shaaca ka qaaday in illaa seddex xarumood oo ay leeyihii waxa loogu yeero Argagixisida ay Soomaaliya ka jiraan.
Warbixin ay diyaariyeen baarayaal kasocday qaramada midoobay ayaa waxay kaga digeen in ururada ay reer galbeedku ugu yeeraan argagixisada ay ka jiraan dalaka soomaaliya warbixintan ayaa sidoo kale waxay ka digaysaa in ay dhici karto weerarro argagixiso oo ay geysan karaan ururadaas ay soomaaliya inay ka jiraan ku sheegeen.
Warbixintan ayaasidoo kale waxaa lagu sheegay in ururradaasu ay heystaan gataalaha dhulka laga gano kuwaasoo ay ku sheegeen inay ka soo galeen dhinaca waddanka yamen,sidoo kale warbixintan ayaa waxaa iyana lagu xusay in weerarkii marsii horreysay lagu qaaday hotel uu lahaa nin yahuudu ah oo ku yaala magaalada xeebta kutaalla ee Mombasa ahna caasimadda labaad ee waddanka Kenya lagu soo abaabulay gudaha soomaaliya.
Baarayaashan heerka caalami ah ayaa waxay sheegeen in diyaarado iyo doonyo yar-yar loogu soo tahriibiyo hubka soo gala soomaaliya oo ay sheegeen inuu ka yimaado waddanno ay ka carrabaabeen waddanka Yamen,warkan ayaa wuxuu intaasi sii raaciyay in hubkaasi oo ubadan nuuca garbaha laga tuuro iyo bambooyin lala dammacsanyahay in lagu weeraro waddamada deriska la'ah Soomaaliya.