SOMALINET NEWS ...Archives
WARAR SHEEGAYA IN ITOOBIYA AY SOO HUBEYNEYSO SOOMAALI May 6, 2005
Wararka ka imaanaya gobolada Hiiraan iyo Bakool ayaa xaqiijinaya in dowladda ethopia ay igu deeqday nuucyada kala duwan ee hubka iyadoo la sheegayo in labada Maamul ee ka jira gobolka hiiraan ay si isku mid ah u siisay hub kala duwan waxaana lagu waramayaa in qeybtii hore ee hubkaas oo saarnaa gaari nuuciisu yahay N3 uu soo gaaray xarunta Hiiraan ee Beledweyn halka qeybta labaadna aysan weli soo gaarin laakiin dhowaan la rajeynayo.
wararka ayaa ku waramaya in saanadan soo gaartay hiiraan ay noqoneyso tii labaad oo nooceeda ah oo muddo bil gudaheed ah ay dowladda ethiopia ay soo gaarsiiso maamulka Midland ee uu madaxda ka yahay c/kariin faarax laqanyo
dhinaca kale waxaa socda daabulaad hub,taasoo ka socota deegaanka Godeey ee Ismaamul goboleedka Soomalida Ethiopia.
Hubkan ayaa lagu waramayaa inuu halkasi ka keenayo Shiikh Aadan Madoobe oo ah Wasiirka cadaaladda ee dowladda federaalka KMG soomaliya.
si kastaba ha ahaatee xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho ayaa ku eedeeyay h dowladda Ethiopia hubka ay iminka ku soo daabuleyso Soomaliya waxayna sheegeen inay xadgudub ku tahay cunaqabateyntii Q/Midoobay ay soomaliya ku soo rogtay horaantii 90maadkii waxayna caalamka ka codsadeen in tilaabo laga qaado dowlada Ethiopia.
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia