SOMALINET NEWS ...Archives
XAALADDA CAAFIMAAD EE DADKII KU DHAAWACMAY QARIXII STADIUM MOGADISHU OO SOO HAGAAGEYSA May 6, 2005
Dadkan oo intooda badan la geeyay isbitaalada Magaalada Muqdisho gaarahaan Madiina iyo Xayat ayaa wararku sheegayaan inay ka soo reynayaan sida ay sheegayaan Dhaqaatiirta isbitalaadaas.
Isbitaalka Madiina oo iminka ay ku jiraan ilaa 18 qofood oo dhaawacii qaraxa ah ayaa waxaa isbitaalka isaga baxay 30meeyo kale oo isla qaraxa ku waxyeeloobay hadase ka bogsaday. dhaawicii soo gaaray
Bukaanka jiifa isbitaalka madiina ayaa Shan ka mid ahi u muuqdaan kuwo dhaawacoodu uu liito iyadoo qaarkoodna lagu sameeyay qalliin.
Hase yeeshee dadkan ayaa muujinayaa rajadooda caafimaad iyo inay maalmaha soo socda iskood u fushan doonaan adeegyadooda shaqsiga ah.
Si kastaba ha ahaatee dadkan ayaa ku dhaawacmay qarax balaaran oo gilgilay garoonka stadium Mogadishu xilli uu ra`iisal wasaare geedi halkaa ka qudbeynayay Waxaana ku naf waayay tiri dad ah halka qaar kalena uu dhaawac xoogani ka soo gaaray.
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com