site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

SHIR JARAA'ID LAGU QABTAY KISMAAYO May 6, 2005

Shirkaan jaraa`id ayaa waxaa uu yimid markii shalay ay rasaas isweydaarsadeen maliishiyada wasiirka dib u dejinta barre hiiraale, kuwaasi oo ku sugnaa isla gurigiisa iyo dableey kale oo ka tirsan isla isbaheysiga dooxada Jubba.

Shirkan jaraa`id ayaa waxaa qabtay afhayeenka dooxadda jubba Bile C/dulle Cabdi,waxaa uuna shirkan jaraa`id ku beeniyay warar sheegayay in la soo weeraray guriga wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre hiiraale,waxaa kale oo uu sheegay in tacshiiradii shalay ay ku timid is faham waa ka dhex abuurmay laba ciidan oo ka tirsan dooxada jubba.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ku tilmaamay argagax in la baafiyo warar aan sal iyo raad laheyn waxaa uuna intaa ku daray inaan marnaba la weerarin guriga wasiirka.

Mar uu ka hadlayay in arintani ay wax u dhibi karto amaanka magaalada Kismaayo oo la rajeynayay inuu booqasho ku yimaado Wasiirka koobaad ee dowladda federaalka waxaa uu kaga jawaabay kismaanyo waa meel amaankeda la isku haleyn karo islamarkaasina diyaar u ah soo dhoweynta madaxda sare ee dowladda federaalka.

Si kastaba ha ahaatee dadka Kismaayo ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan suggidda amaanka magaaladaas tan iyo markii uu sheegay ra`iisal wasaare geedi inuu doonayo booqasho uu ku tago xarunta Jubada Hoose ee Kismaanyo.

Xasan dhaaleey

Dheel10@hotmail.com

Mogadsishu Somalia