site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

CIIDAMO MAREYKAN AH OO TEGAY XEEBTA MEYDH EE G/SANAAG May 6, 2005

Ciidamadaan oo watay doonyaha dheereeya ayaa wararka halkaasi ka imaanaya waxaa ay sheegayaan inay su`aalo weydiiyeen dadka halkaasi ku dhaqan

Ciidamadan ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 20 askari,waxayna ka soo degeen markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada marineska mareykanka kaasi oo ku sugan xeebaha soomaliya labadii todobaad ee u danbeeysay

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada doonyood ay ku xirteen xeebta magaalada meydh waxaana shacabka ku dhaqan goobtaas ay tusayeen sawiro aan ilaa iminka la cadeeyn waxyaabaha ay muujinayaan

Dhinaca kale duyuurado uu jooggoodu hooseeyo oo ay wataan ciidamada mareykanka ayaadul heehaabay xeebaha Batalaale sidoo kale waxaa magaalada boosaaso lagu arkayay diyaaradaha noooca qumaatiga u kaca oo ay wataan ciidamada amerikanku

Muddooyinkan danbe ayaa waxaa jira dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo dhinaca ciidanka ah oo ay wadaan wadamada mareykanka iyo jarmalka kuwaasi oo sida ay sheegeen baadigoob ugu jira argagixisada geeska afrika

Xasan dhaaleey

Dheel10@hotmail.com

Mogadishu Somalia