SOMALINET NEWS ...Archives
MARAYKANKA OO BEENIYEY IMAANSHAHA SOOMAALIYA May 6, 2005
Korneel u hadla ciidamada Maraykanka oo shalay suaalo uga jawaabayey saxaafada ayaa beeniyey inay ciidamo Maraykan tegeen Soomaaliya. Sidoo kale ninka madaxda ka ah ciidamada Maraykanka u qaabilsan badda Afrikada Bari oo ku sugan Jabuuti ayaa arinkaas ku sheegay mid been ah. Sarkaalkan sare wuxuu sheegay inay ciidamada Maraykanku ku qabteen tababar gudaha wadanka Jabuuti arinka Soomaaliyana uu been yahay.
Beenintan ayaa dhacday kadib markii ay warar badani sheegeen in ciidamo Maraykan oo dooma wata ay tageen tuulo ku taal gobolka Sanaag oo hoostaga Somaliland.