site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO WARGEYS ALBAABADA U LAABTAY May 6, 2005

Wararka ka imaanaya deegaanada puntland ayaa sheegaya in manta si rasmi ah albaabada loogu laabay wargeyska shacab oo ka soo baxa garoowe oo ah xarunta dowlad goboleedka puntland kagadaal markii shir ay yeesheen golaha wasiirada khamiistii aanu soo dhaafnay ayna qaateen guddoonka lagu xirayo wargeyskaasi

Sidoo kale wasiirka warfaafinta puntland ayaa sheegay inay ku raad joogaan qaar kale oo saxaafadda ah waxaa uuna qiil uga dhigay in saxaafaddu maalmihii la soo dhaafay ay kaba soo dartay muujiyaana waxyaabo aan jirin

Tifaftiraha wargeyska shacab iyo xubno kale oo ka tirsan wargeyska ayaa horay xabsiga loogu taxaabay iyadoo islamarkaasi aan la hor geeynin maxkamad hase yeeshee waxaa markale ay heleen xoriyadoodii markii qaar ka tirsan maamulka puntland ay sheegeen inaysan laheyn wax dembi ah

Ilaa hadda lama oga sababta soo dedejisay in gebi ahaanba albaabada loo laabo wargeyska shacab inkastoo dadka qaarkood ee ku sugan puntland oo aan la xiriirnay ay inoo sheegeen in wargeysku uu taageeri waayay maamulka islamarkaasina uu ku sifoobay dhexdhexaadnimo

Si kastaba ha ahaatee saxafiyiinta puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyay maanta markii albaabada loo laabay wargeyska shacab oo ka mid ah warsidayaasha sida weyn looga aqristo gobolada puntland waxayna ku tilmaameen caddaadis la saarayo madaxbanaanida saxaafadda ee goboladaas

Xasan dhaaleey

Dheel10@hotmail.com

Mogadishu Somalia