site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

RIYAALE: WAXAAN HEYNAA ARGAGIXISO KA TIMID MUQDISHO OO AAN MAXKAMAD SAAREYNO May 6, 2005

Madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta sheegay inay hayaan shaqsiyaad ka soo jeeda magaalada Muqdisho kuwaasi oo ah argagixiso sida uu wareysi ku siiyay Tvga al jasiira barnaamijka la yiraahdo Liqaa al-yoom

Sidoo kale waxaa uu sheegay in soomaliland ay la wadaagto wadamada caalamka dhibaatooyinka ay argagixisadu u geysato,isagoo intaa ku daray in raga ay hayaan iminka ay soo taagi doonaan maxkamad

Mr riyaale waxaa uu intaa sii raaciyay in raggan ay hayaan ay ka tirsan yihiin ururka Al itixaad al islaamiya kaasi oo si xooggan uga jira koonfurta somaaliya

Mar uu ka hadlayay sida ay ugu suurto gashay qabashadan ragggan uu ku tilmaamay argagaxisada waxaa uu yiri’waxaan la kaashanay quburo aqoon durugsan u leh arimaha la xiriira argagixisada,waxayna ka mid yihiin ururka al itixaad al islaamiya iyaga iyo kooxo kale oo soomali ah’

Madaxweyne riyaale ayaan sheegin dhalashada raggaan iyo inay soomali yihiin iyo in kale intaba

Sidoo kale mar wax laga weeydiiyay midnimada soomaliya waxaa uu sheegay inay tahay habeenkii xalay tegay inay la midoobaan koonfurta islamarkaasina aysan ku gorgortameyn gooni u istaagga Somaliland, isagoo xusay in koonfurtu ay u istaagto sidii ay u xalisan laheyd arimaheda

Riyaale oo ka jawaabayay su`aal aheyd sababta caalamku uu u aqoonsan la`yahay Somaliland ayaa ku eedeeyay wadamada carabta iyo adduunkaba ay muujiyaan rabitaan ay u hayaan koonfurta oo keliya,oo ay booqdaan magaalada muqdisho halkii ay ka imaan lahaayeen hargeysa oo ah xarunta Somaliland

Mar uu sidoo kale ka hadlayay arimaha gobolka ayuu sheegay in dowladda Ethiopia ay la wadaagaan xiriir dhinaca derisnimada la xiriira iyo weliba wax is dhaafsiga

xasan dhaaleey

mogadishu somalia