site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WAFDI UU HOGAAMINAYO RA`IISAL WASAARE GEEDI OO MAANTA U DUULAY KENYA May 7, 2005

Wafdigaan oo ka duulay duhurnimadii maanta 1:20 daqiiqo garoonka diyaaradaha cisaleey ee magaalada muqdisho iyagoo islamarkaasi ku sii jeeda xarunta Kenya ee Nairobi.

Safarka cali maxamad geeddi ayaa ilo ku dhow dhow waxa ay ku macneeyeen mid degdeg ah oo isaga u gaar ah waxaana ku wehliyay xubnihii markii hore la yimid magaalada muqdisho, waxaana ku jiray saxafiyiin shisheeye oo la socday inkastoo xubnihii jaamacadda carabta iyo safiirada ay hortii ka duuleen muqdisho.

Ka hor duulimaadkiisa waxaa uu saaka hoteelka ramadaan ee uu degan yahay kula kulmay wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta cismaan xasan cali ‘caato. Kulankooda ayaa ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin. Kulankaan oo saacado badan qaatay ayaan la ogeeyn waxa ay ku wada hadleen.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa socaday kulamo uu mr geedi la yeelanaayay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan xildhibaanada dowladda ee ku sugan magaalada muqdisho,waxayna kulamadooda uga hadlayeen sidii xukuumadda loo keeni lahaa muqdisho oo ay ugu soo guuri laheyd iyo siyaasada dowladda oo xubnaha labada gole ay ku kala duwan yihiin dhinaca fekerka.

Geedi ayaa sheegay inuu xamar u yimid xalinta muranka labada gole hase yeeshee ma jiraan wax xal ah oo arintaas laga gaaray.

Waxaa jira eedeymo soo kordhaya oo ay qabaan xubnaha labada gole ee ku sugan muqdisho kuwaasi oo aaminsan in imaanshaha geeddi uu yahay mid wiiqaya howlahii laga weday xamar ee ku saabsaneyd amaanka magaalada muqdisho.

Ra`iisal wasaaraha oo joogay muqdisho muddo 9 maalmood ah ayaan ka fool ka fool ula kulmin xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada muqdisho ilaa iminkana lama yaqaano sababta ay u kulmi waayeen.

Si kastaba ha ahaatee imaanshaha geeddi ee caasimadda ayaa u muuqata mid aan waxba ku soo kordhin xal u helista kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ka dhex abuurneyd qaar ka mida xildhibaanada iyo wasiirada dowladda jamhuuriyadda FKG Soomaliya

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia