SOMALINET NEWS ...Archives
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO NAIROBI KU LAABTAY. May 7, 2005
Wafdi u uhogaaminayey madaxweynaha soomaaliya Cabdulahi yuusuf ayaa waxay ka degeen magaalada Nairobi ee waddanka Kenya. Cabdulahi ayaa waxaa wafdigan ku weheliyey madax kale oo kamida dowladiisa.
Wafdigan ayaa ku maqnaa ka qaybgalka caleemo-saarka madax weynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo mar kale loo doortay jagadaas. Si fudud ayuu ku guuleystey sababtoo ah cid tartantay ma jirin. Madaxxweyne Ismaaciil wuxuu ka qayb galay caleemo saarkii c/Lahi yuusuf ee ka dhacay magaalada nairobi sanadkii lasoo dhaafay. sidoo kale gogol uu Soomaalida u dhigay ayaa madaxweyne ahaan loogu soo doortay Cabdiqasin Salaad Xasan 2000.
Waxaa wafdiga eleboorka magaalada Nairobi kusoo dhaweeyey madax uu kamid yahay wasiirka koowaad, Cali maxamed geedi oo isna maanta ku laabtay magaalada Nairobi oo uu uga maqnaa dhinaca Soomaaliya.