SOMALINET NEWS ...Archives
GEEDDI OO SAXAAFADA KULA HADLAY NAIROBI May 7, 2005
Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in safarkiisii xamar uu ahaa mid uu ku guuleeystay,waxaana uu intaa ku daray inuu aad uga xun yahay safarkii ka baaqday ee kismaanyo oo laga sugayay sidoo kale waxaa uu sheegay inuusan jirin wax tanaasul ah oo uu ku dhaqaaqay, isagoo intaa raaciyay in mogadishu ay tahay caasimad islamarkaana aysan gorgortan geleynin
sidoo kale waxaa uu xusay in keenista ciidamada shisheeye aan xamar looga wada hadlin waxaa kale oo tibaaxay in xubnaha labada gole ee ku sugan muqsdisho ay hayaan hawl qaran
geeddi ayaa sidoo kale ayaa sheegay inay dhameeystirayaan howlaha muqdisho laga wado
shirkaan jaraa`id ayaa geedi waxaa ku sheegay inuu doonayo inuu booqdo gobolada soomaliya oo dhan bacdamaa dowladiisu ay tahay mid dib u heshiisiineed waxaa kale oo intaa ku daray inaysan ujeedadii uu xamar u tegay aysan aheyn in labada gole ay u soo raacaan nairobi laakiin waxaa uu ku sheegay inay aheyd in la dhameeyo khilaafaadka labada gole
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia