SOMALINET NEWS ...Archives
DOWLADDA SOOMAALIYA OO LAGU EEDEEYEY DAGAALO KA SOCDA WADDANKA May 8, 2005
Xildhibaan C/laahi black ayaa maanta shaaciyay in dagaalada Bay iyo Bakool ay ka danbeeyaan C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxamad Geedi
Hadalkaan ayaa xildhibaan Black waxaa uu ka sheegay shir jaraa`id oo uu manta ku qabtay xarunta gobolka Bay ee Baydhabo waxaana uu intaa raaciyay in dowladda Ethiopia ay soo gaarsiisay degmada Xuddur wasiirada ku sugan rasaas iyo lacag gaareysa ilaa $20,000 kuwaasi oo la doonayo in dagaal looga huriyo gobolada Bay iyo Bakool
Xildhibaan Black ayaa shirkii manta waxaa ku wehliyay xildhibaan Afaraale waxayna sheegeen in dowladda Ethiopiya inay burburineeysa dadaalada nabadda Soomaliya waxayna intaa ku dareen in nasiib darro ay tahay in abaabulka dagaal ee halkasi ka socda ay hormuud ka yihiin labada mas`uul ee ugu sareysa dowladda federaalka KMG somaaliya waa C/laahi yuusuf iyo Cali Maxamad Geedi waa sida ay hadalkooda u dhigeene,iyagoo intaa ku daray in mas`uuliyadda dagaal halkaa ka dhaca ay dusha saaranayaan
Si kastaba ha ahaatee war saxaafadeedkii manta ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilli labada dhinac ee gobolada Bay iyo Bakool ay wadaan abaabul lagu doonayo in markale
halkaas uu ka qarxo dagaal ka dhan ah nolosha dadka deggan goobahaas
Xassan Dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia