SOMALINET NEWS ...Archives
SHIIKH DAAHIR AWEYS: SOOMAALIYA DIMUQRAADIYO UMA BAAHNA May 8, 2005
<|hassan_aweys.jpg|Courtesy of burtinle.com|left|>Sheekh xasan daahir aweys ayaa sheegay inuusan taageereynin mabd`a dimoqraadiyadda kadib kulan dhexmaray isaga iyo wasiirka koowaad Cali maxamed Geeddi.
Sheekha oo saxaafadda warsiiyay ayaa sheegay in dowladda federaalka KMG soomaliya ay qaadatay ku dhaqanka dimoqraadiyadda sidaasi daraadeed aysan isaga la aheyn inuu taageero waayo buu yiri mabaadiida ay wataan iyo tan islaamka ee aan wadano si toos ah ayay isaga soo horjeedaan.
Sheekh xasan aweys waxaa uu yiri’dimoqraadiyaddu waxaa ay ka soo jeeddaa gariigga waxaana ay baneeysay in qof waliba uu raaco hawadiisa, isagoo xusay in haddii la raaco mabaadiida ra`iisal wasaare geeddi ay ka lumayaan wadada toosan ee islaamka.
Sheekhu waxaa uu yiri, 34sanno ka hor ayaan diiday arintaas mana dhici karto haatan inaan ogolaado waxaana uu arintan ka sheegay xilli uu shalay la kulmay ra`iisal wasaaraha intii uusan muqdisho ka tegin.
Sheekhu waxaa uu kulankii geedi uu kula taliyay inuu raaco tubta toosan ee islaamka waxaa kale oo uu sheegay inuu si weyn ula yaabay dadka doonaya caddawga soomaliyeed gacan ka doonayay.
Si kastaba ha haatee sheekha ayaa tilmaamay in uu jeclaan lahaa in soomaliya lagu maamulo shareexada diinta islaamka oo uu sheegay in lagu badbaadayo.
dheel10@hotmail.com