site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

XUBNAHA LABADA GOLE EE KU SUGAN MUQDISHO OO WACAD KU MARAY INAY QAADAYAAN ISBAAROOYINKA May 8, 2005

Xubnahan labada gole gaar ahaan ragggii ahaa Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa manta waxaa ay mid mid wacad ugu mareen inay qaadayaan isbaarooyinka mid walba u taala gudaha iyo banaanka Muqdisho.

Hadalkaan oo ay ka hor sheegeen kulan manta ay xarunta baarlamaanka kula yeesheen haweenka G/Banaadir ayaa waxaa dhamaantood ku nuuxnuuxsadeen dhibaatada jidgooyinku ay shacabka ku hayaan waxaana mid waliba uu ballan adag ku qaaday in kooxdiisa uu uga nadiifinayo sida ugu dhaqsiiyaha badan.

Xubnihii halkaasi ballanta ka qaaday waxaa ka mid ahaa Wasiirada ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow,Cismaan Xasan Cali ‘caato’ Maxamad Qanyare Afrax, Bootaan Ciise Caalin iyo Xubno kale.

Haweenka gobolka BANAADIR ayaa ku celceliyay inay mas`uuliyiintani ka dhabeeyaan balanta ay la galeen islamarkaasina aysan balantani noqonin sidii kuwii looga bartay ee ay isaga bixi jireen waxayna haweenka Banaadir ay dhinacooda tilmaameen inay ka qeyb qaadanayaan aruurinta iyo isku dubaridka xareeynta Maliishiyaadka iyagoo xusay inay bixinayaan Dhaqaalaha ku baxaya maalmaha soo socda.