site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WAFDI KA SOCDA Q/MIDOOBAY OO MAANTA LA FILAYO INUU GAARO JOWHAR May 9, 2005

Saraakiishan ka socota Q/Midoobay ayaa wararka ka imaanaya Jowhar waxaa ay tilmaamayaan inay doonayaan u kuurgelista xaalaha nolol iyo amaan ee ka jirta goobtaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay halkaasi ka socdaan qabanqaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo wafdigaas.

Imaanshaha wafdiga ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii Madaxda dowladda federaalku ay baahiyeen in Jowhar iyo Baydhabo ay noqonayaan Caasimadaha ku meel gaar ah ee Dowladdu ay degeyso.

Sidoo kale waxaa ka socda jowhar dayactiro lagu sameeynayo xabsiga degmada iyo qaar ka tirsan dhismayaasha muhiim u ah soo degista dowladda iyadoo howshana ay isku dubaridayso hay`adda UNDP ee Q/Midoobay.

Imaanshaha wafdigaan ayaa ku soo beegantay xilli uu guddoomiyaha jowhar maxamad dheere uu ku maqanyahay wadanka Ethiopia iyadoo sida wararku sheegayaan ay xalay magaaladaasi gaareen gaadiid sida saanad milateri.

Dheel10@hotmail.com

Mogadishu Somalia