SOMALINET NEWS ...Archives
G/KU-XIGEENKA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO XIRAY KALFADHIGII GOLAHAAS May 9, 2005
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi C/qaadir Jirde ayaa caddeeyay inuu fasaxay golaha muddo dhan ilaa 45 casho iyadoo kulamadii caadiga ahaa ee golahasi aaney qabsoomin labadii maalmood ee ugu danbeeysay.
Fasaxan ayaa Mr Jirde ka baahiyay idaacada dowladda ee radio hargeysa labadii fadhi ee baaqday ayaa wararka halkaasi ka imaanaya ay tilmaamayaan in la diidanaa in la faaqido motion ku aadanaa xil ka xayuubinta madaxweynaha Somaliland,kaasi oo ay saxiixeen ilaa iyo afartameeyo mudane.
Hase ahaatee qaar ka mida mudanayaasha ayaa waxay sheegeen inay fajac ku noqotay markii ay maqleen fasaxa mudanayaasha ee ay ka maqleen idaacadda hargeysa,kaasi oo lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariiqdu tahay 9ka May ay fasaxan yihiin mudanayaashu.
Talaabadan ayaa loo arkay sida wararku ay tilmaamamayaan mid looga soo horjeedo motion-ka xil ka xayuubinta madaxweynaha daahir riyaale,waxaana inta badan mudanaayaashu ay doonayeen meelmarinta motion-kaas.
dheel10@hotmail.com