site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

QARAXII STADIO MUQDISHU OO LAGU EEDEEYEY URURO ARGAGIXISO May 9, 2005

Sirdoonka maraykanka ayaa sheegay in qaraxii todobaadkii hore kadhacay garoonka k.cagta ee muqdisho ay ku lug lahaayeen waxa uu uguyeero argagixisada.

Sida uu qoray maanta wargeys layiraahdo the peubls daily oo ka soobaxa waddanka shiinaha saraakiil katirsan muqaabaraadka waddamada maraykanka iyo Kenya ayaa waxaa uu sheegay inay imminka baaritaan ku hayaan wararka ku saabsan in labo kooxood oo ay ku malaynayaan inay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay garoonka muqdisho stadium toddobaadkii la soo dhaafay mar uu wasiirka koowaad ee dowladda soomaaliya halkaasio kula hadlayay dada isu soo baxay halkaasoo ay ku geeriyoodeen tiro dada ah oo gaaraysay illaa shan iyo toban ruux.

Sida hadaba warbixintan ku cad Ururada Al-itixaad Al islaami iyo Altakfiir wal hijra ayaa waxaa la sheegayaa inay ahaayeen kuwa ka dambeeyay weerarkii bambaanada loo adeegsaday kaasoo ladoonanayay sida uu soo xiganayo wargeyskan in lagaga taqaluso R/wasaaraha.

Baarayaashaan ayaa sidoo kale waxaajira in ay qabaan warar isla xiriirinaya in dagaalyahanka u dhashay waddanka Urdun ee lagu magacaabo Abuu muscaf Alzarqaawi kana dagaallama iminka gudaha waddanka Ciraaq iyo kooxahan labada ah ee ay sheegeen inay ka dambeeyeen qaraxii muqdisho ,hase ahaatee wararkan ay imminka ka dhawaajiyeen muqaabaraadka maraykanka iyo Kenya ayaa waxey soo bexeen maalin uun ka dib markii ay dowladda soomaaliya ku dhawaaqday in qaraxaasi uu ahaa mid ku dhacay si kama,ah oon cidina loola qasdin.

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia