SOMALINET NEWS ...Archives
XUBNAHA LABADA GOLE EE JOOGA MUQDISHO OO QAATAY KULAN SAXAAFADDA LOO DIIDAY May 9, 2005
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo ahaa mid saxaafadda loo diiday islamarkaasna qaatay saacado farabadan ayaa markii uu dhamaaday waxaa saxaafadda hadal kooban siiyay xildhibaan Axmad Diiriye, waxaa una sheegay in kulankoodii maanta ay ka soo saareen cambaareyn ku aaddan dowladda Ethiopia iyo maamul goboleedka Puntland
Axmad diiriye ayaa intaa raaciyay in maamulka Puntland ay maanta soo gaarsiiyeen ciidamo ka yiimid Puntland kuwaasi oo lagu soo daabulay laba diyaaradood iyadoo waa sida ay hadalka u dhigeene diyaaradahaasi ay ka soo cagadhigteen garoonka diyaaradaha ee Degmada Waajid ee gobolka Bakool Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda Ethiopiya iyo maamulka puntland ay iminka doonayaan inay hubeeyaan Wasiiradda haatan ku sugan magaalada Xuddur ee Bakool si dagaal looga huriyo mar kale magaalada Baydhabo, waxaa kale oo uu caddeeyay in maalamahan ay dowladda Ethiopia soo gelisay Soomaliya hub aad u farabadan iyo weliba ciidan ay leedahay oo cagta soo dhigay meelo ka mida geyiga Soomaliya Ugu danbeeystii waxaa uu sheegay inay caalamka ka codsanayaan inay ka hortagaan dhibaatada dowladda Ethiopia ay ku heyso shacabka Soomaliyeed iyo ku xadgudubka heshiiskii Q/Midoobay ee Somaaliya laga mamnuucay hubka horaantii sagaashameeyadii
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia