SOMALINET NEWS ...Archives
XUBNO KA SOCDA CAALAMKA OO MAANTA GAARAY MAGAALADA JOWHAR EE G/SH/DHEXE May 9, 2005
Xubnahan oo tiradoodu aheyd seddax ayaa socodkooda ka soo bilaabay magaalada hargeysa ee maamulka Somaliland waxayna isugu jireen oo ay ka kala socdeen q/midoobay iyo baanka adduunka.
Socodka xubnahan ayaa la xiriira sida uu warbaahinta Somalinet qadka telefoonka Jawhar ugu sheegay ku-simaha arimaha siyaasadda ee maamulka SH/dhexe Cismaan Xaaji Caqiil u kuurgelista iyo la socoshada nolosha dadweynaha gobolka waxaa sidoo kale uu tilmaamay in wafdigan si heersare ah loogu soo dhoweeyay halkaasi Cimaan xaaji caqiil ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay su`aal aheyd in wafdigani uu qiimeynayo xaaladda amaan iyo meelaha la dejinayo Dowladda federaalka waxaa uuna xusay inay ka wada hadleen oo keliya arimaha la xiriira nolosha iyo nabadgelyada gobolka,waxaa kale oo uu intaa raaciyay in sidoo kale ay booqan doonaan gobolo soomaliyeed oo kale oo uu carabka uga dhiftay gobolka Banaadir.
Mr Caqiil ku-simaha arimaha siyaasadda ee maamulka SH/dhexe ayaa si weyn uga soo horjeestay wararka sheegaya in guddoomiyaha sh/dhexe maxamad dheere uu haatan ku sugan yahay xarunta Ethiopia ee ardis ababa isagoo kaga jawaabay in maxamad dheere uu haatan joogo magaalada Nairobi hase ahaatee uu ku sugnaan karo meeshii uu doono Si kastaba ha ahaatee magaalada jowhar ayaa waxaa ka socda dayactir lagu sameynayo dhismayaal kala duwan,kuwaasi oo sida la sheegayo loogu talagalay in la dejiyo dowladda federaalka oo iminka ku suigan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dheel10@hotmail.com