SOMALINET NEWS ...Archives
WASIIRADA HUBEYSAN EE KU SUGAN MUQDISHO OO MAANTA GAARAY QARAAR May 10, 2005
Go`aankan ayaa ku saabsanaa isugeynta gaadiidka dagaalka oo gaaraya 85 gaari iyo maliishiyooyin kuwaasi oo ay sheegeen in loogu talagalay inay soo celiyaan amaanka magaalada muqdisho. Wasiiradan oo maanta shir ku yeeshay xarunta baarlamaanka ayay kulankoodii kaga doodeen meelmarinta qorshaha ku aaddan xareynta Gaadiidka dagaalka iyo maliishiyaadka waxayna sheegeen in maalinka Sabtida ah ee foodda nagu soo heysa ay noqoneyso maalin ay ku sheegeen kama Danbeeys sida uu qiray Xildhibaan Axmad Diiriye,Xildhibaanka ayaa intaa raaciyay inuu jiro xiriir la doonayo inay la sameeyaan Ganacsatadda G/Banaadir iyo Maxaakiimta islaamiga ah si ay uga qeyb qaataan dadaalka xareynta maliishiyaadka iyo suggidda amaanka ee ay wadaan Wasiirada hubeeysan.
Inkastoo shaki laga muujinayo xilliga kama danbeeysta ah iyo weliba qaabka qeybsiga gawaarida dagaalka,hadana waxaa la isku afgartay in maalinka Sabtida ah ay tahay maalin kama danbeeys ah sida uu noo sheegay xildhibaan axmad diiriye Guddiga nabadgelyada iyo xubnaha labada gole waxaa kale oo ay shirkii manta ku soo hadal qaadeen faragelinta Ethiopia iyo abaabulka dagaal ee ka soconaya gobolada Bay iyo Bakool kaasi oo ay ka digeen,kuna tilmaameen mid abuuraya cawaaqib xumo.
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somali