SOMALINET NEWS ...Archives
DHAQDHAQAAQ IYO DHIILO COLAADEED OO KA SOO CUSBOONAADAY GOBOLADA BAY IYO BAKOOL May 10, 2005
Wararka ka imaanaya deegaanadaasi ayaa sheegaya in ciidamo ku hubeeysan gaadiidka dagaalka oo uu horkacayo col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud)oo wasiirka beeraha ka ah dowladda cusub ee soomaaliya ayna wehliyaan saraakiil ciidan oo ka tirsan garabkiisa ay maanta soo gaareen degmada Waajid, ayna dammacsanyihiin sida ilo xog ogaal ahi ay ku warramayaan inay u soo gudbaan dhinaca magaalada Baydhabo oo ay weerar ku yihiin.
Arrintan ku saabsan weerarka garabka Shaati Guduud ee baydhabo ayaa sida muuqata waxay ku soo beegantay xilli uu qilaaf ba`ani soo kala dhexgalay garabka haatan gacanta ku haya magaalada Baydhabo ee uu hoggaamiyo Maxamed Ibraahin Xaabsad Waloow hadana maanta la arkayay dhaq-dhaqaaq ciidan oo aad u ballaaran muujinayana diyaargarow oo ay wadeen malleeshiyaadka taageersan Xaabsade.
Dhinaca kalena guddoomiyaha degmada Waajid ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxay maanta oo sheegayay in hay`adaha gargaarka ee fariisimada ku leh degmadaasi lagu amray iney u wareegaan dhinacaa iyo magaalada Xudur, wuxuuna Guddoomiyuhu warkaas ku timaamay been abuur waliba la sii buunbuuniyay
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia