site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WASIIRADA XAMAR KU SUGAN OO DHALIILAY GEEDI May 10, 2005

Qoraalkan ay soo saareen xubnaha wasiirada ku sugan Magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen in booqashadii ra`iisal wasaare Geedi uu ku yimid Xamar uu ahaa mid lagu xagal daacinayo dadaalada labada gole ay Muqdisho ka wadaan.

Qoraalkan ayaa waxaa kale oo ku xusnaa in ra`iisal wasaaruhu uu ka codsaday labada gole ee Xamar ku sugan inay taageeraan dadaalo uu ku doonayo inuu helo Dhaqaale halkii uu ka baadigoobi lahaa wadahadalo lagu xalinayo farqiga u dhaxeeya dowladda Wasiiradan ayaa qoraalkooda ku cadeeyay in ra`iisal wasaare Geedi mar uu la hadlayay\ shacabka uu u sheegay in ujeedada booqashadiisu ay tahay inuu ka shubo beentii lagu shubay halkii uu uga gudbin lahaa in meel dhexe la isugu yimaado

Xubnahan ayaa waxaa kale oo qoraalkooda ay ugu baaqeen Beesha caalamka inay taageeraan sidii loo heli lahaa xal guud oo loo helo shaqaaqada ka taagan dowladda federaalka gudaheeda,waxaana ay ku taliyeen in gargaarka lagu jiheeyo sidii xubnaha dowladda ee ku sugan Nairobi looga soo guurin lahaa

Sidoo kale xubnahan Golaha Wasiirada ee ku sugan Muqdisho waxa ay soo sareen qoraal kale oo ay u direen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan

Xubnaha ku sixiixnaa qoraalkan waxaa ka mid ahaa

1-Maxamuud C/laahi Sifir oo ah w/warfaafinta iyo ra`iisal wasaare ku xigeen

2-Maxamad Qanyare Afrax - Wasiirka Amniga Qaranka

3-Muuse suudi yalaxoow - Wasiirka ganacsiga

4-Barre aadan shire hiiraale - Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta

5-Cismaan Xasan Cali ‘caato’ - Wasiirka howlaha guud iyo guriyeeynta

6-C/Kariin Axmad Cali - Wasiirka lacagta

7-Cumar Maxamuud Maxamad - Wasiirka arimaha diinta

8-Cabdi Xaashi C/laahi - Wasiirka dhaqanka

9-Bootaan Ciise Caalin - Wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta