SOMALINET NEWS ...Archives
KULAN AY YEESHEEN SHARIIF XASAN IYO CALI GEEDI OO GUULADARO KU DHAMAADAY May 10, 2005
Kulankan ayaa maanta ka dhacay xarunta Kenya ee Nairobi,waxaana looga wadahadlayay sidii dowladda ay uga soo guuri laheyd magaalada Nairobi oo ay in muddo ah ku sugneyd iyo keenista ciidamo shisheeye oo dalka la keeno.
Kulankan oo ahaa kii seddexaad ayaa wararku waxay intaa ku darayaan in ra`iisal wasaare geedi uu u soo bandhigay shariif xasan inuu qabto shir labada gole ay si deg dega ah ugu kulmayaan,sidoo kale waxaa uu ra`iisal wasaaruhu Shariif Xasan u gudbiyay qoraal ahaa in laga doodo halka ay dowladu saldhigeyso oo ay degeyso iyo ciidamada la keenayo Soomaaliya.
Dhinaca kale ilo ku dhow dhow Shariifka ayaa sheegay in Shariifku uu kulankii uu la yeeshay geedi ka sheegay in isagu uu shaqsi ka yahay 275 xubnood ee baalmaanka islamarkaasina ay haboon tahay inay dhamaan Xildhibaanadu hal meel oo qura isugu yimaadaan, si ay u gaaraan hal go`aan,Shariifka ayaa intaa ku daray inuu caddeeyay inuusan diyaar u aheyn in qeyb ka mida Xildhibaanada uu shir u qabto,qeybtii kale oo maqan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa weli muuqda is faham darro xoog leh oo dhex taala mas`uuliyiinta sar sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo intabadan salka ku haya nooca ciidamada Soomaliya imaanaya iyo goobta ay dowladdu degeyso.
dheel10@hotmail.com