site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WARARKII U DANBEEYEY EE BAYDHABO May 11, 2005

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ayaa sheegaya in wafuud uu hogaaminayo Wasiirka garsoorka dowladda federaalka Soomaliya Sheekh Aadan Madoobe inay gaareen deegaanka Rabdhuure halkaasoo la sheegayo inay joogaan ciidamo ka yimid dhinaca Ethiopia oo ay la socdaan saraakiil Ethiopian ah.

Ilaa iminka ma jiraan warar rasmi u faahfaahinaya kulanka ka dhacay deegaanka Rabdhuure ee gobolka Bakool hase ahaatee horay ayaa aadan sarransoor oo ka mid ah sarakiisha RRAda ee ku sugan Baydhabo uu sheegay in deegaankaasi ay joogaan ciidamo Ethiopian ah iyo kuwo ka yimid dhinaca Puntland kuwaasi oo uu sheegay inay gacansiinayaan maliishiyooyinka duulaanka ku soo ah magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maliishiyooyinkii dhinaca Xudur ay ku soo dhowaanayaan magaalada Baydhabo waxaana jira cabsi xoogan oo ay qabaan dadka ku nool degmada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Heegan la geliyay maleeshiyada xaabsade saacadihii ugu danbeeyay.

Ciidamada ka amar qaata Maxamad Ibraahin Xaabsade ayaa wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo waxaa ay tilaamamayaan in heegan buuxa ay galeen kadib markii ay maqleen weerar al sheegay in saacadaha soo socda lagu soo qaadayo magaalada Baydhabo oo ay iminka gacanta ku hayaan.

Ciidamadan oo ku hubeeysan Gawaarida Dagaalka ayaa difaac ka galay halka Magaalada laga soo galo iyo halka looga baxo,waxaana xalay saqdii dhexe Magaalada laga maqlayay rasaas taasi oo dadka Magaalada ku dhaqani ay u qaateen weerar dagaal hase ahaatee maamulka Xaabsade ayaa dadka ku wargeliyay in rasaastu ay aheyd mid la tijaabinayay.

Waxaa jira walaac isi soo taraya oo ay qabaan dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda taasoo ah dagaalka labada dhinac ay isaga soo horjeedaan ee ku aadan gacanku heynta magaalada iyadoo boqolaal shacab ah uu dagaalkaasi ka qaxiyay guryahoodii halka qaar kalana ay ku dhinteen iyadoo kuwo kalana ay weli la ildaran yihiin dhaawacii dagaaladaas ka soo gaaray.

Si kastaba ha ahaatee ilaa iminka waxaan jirin cid dhegaha u raaricisay waan waantii iyo dhexdhexaadintii ay wadeen Xildhibaanada iyo golaha Malaaqyada Digil iyo mirifle,taasoo aheyd joojinta Abaabulka iyo Colaadaha gobolada Bay iyo Bakool.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia