site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

INDHACADDE OO SHEEGAY INUU TEGAYO MAGAALADA BAYDHABO May 11, 2005

Gudoomiyaha G/SH/Hoose Yuusuf Maxamad Siyaad ‘Indhacadde’ ayaa si cad u sheegay inuu diyaar u yahay inuu u baqoolo magaalada Baydhabo haddii la soo weeraro gaarahaan ciidamo uu ku sheegay inay yihiin Ethiopian oo doonaya inay qabsadaan Magaaladaasi,waxaana uu intaa ku daray in magaalada Baydhabo ay tahay magaalo Soomaaliyeed sidaa daraadeedna looga baahan yahay inuu difaaco.

Hadalka Indhacade ayaa soo baxay xilli la sheegayo ciidamo isaga ka amar qaata inay haatan ku sugan yihiin duleedka Magaalada Qoryooleey,dhinaca xadka labada gobol ee shabeelada hoose iyo gobolka Bay,kuwaasi oo la sheegay in halkaa ka difaacayaan uduudda gobolka SH/hoose.

Hadalheynta ugu badan ee magaalooyinka Muqdisho,Marka iyo Baydhabo ayaa ah dagaalka ka qarxa magaalada Baydhabo oo la sheegayo inuu noqon doono mid si weyn loogu hoobto,waxaana wararka ugu danbeeya ay sheegayaan in qax ka bilowday meelo ka mida gobolada SH/hoose iyo Baay.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com