site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

XIISAD SIYAASADEED OO KA DHEX ALOOSAN MADAXDA SARE EE DOWLADDA SOOMALIYA May 11, 2005

Xiisadan ayaa ka dhex aloosan madaxweynaha iyo ra`iisal wasaaraha oo dhinac ah iyo afhayeenka baarlamaanka shariif xasan, waxaana wararka ka imaanaya bagaalada Nairobi ay sheegayaan in isku day ay beesha caalamku ku dooneysay dhexdhexaadinta raggan uu xalay guuldarro ku dhamaaday,kaasi oo ka dhacay hotelka grand regency oo uu degan yahay gudoomiyaha baarlamaanka shariifka.

Wararka ayaa intaa raacinaya in madaxweyne C/Laahi yuusuf uu manta isugu yeeray xubnaha baarlamaanka saacadda marka ay tahay 2:00 duhurnimo,hoolka shirarka ee embaghati, sidoo kale ayaa udoomiyaha baarlamaanka shariif xasan ayaa isna dhiniciisa isugu yeeray xildhibaanada muddo todobo cisho gudohood ah,iyadoo labaduba ay shaaciyeen qoraalo dalabkooda ku saabsan.

Qilaafkan ayaa ka dhashay ciidamada dalka la keenayo iyo meesha saldhiga u noqoneeysa dowladda federaalka inta magaalada muqdisho laga sugayo amaankeeda.

Soo laalabashada qilaafka madaxda sare ee dowladda federaalka ayaa rajo xumo ku abuuraya shacabka soomaliyeed,kuwaasi oo ku dhowaad aan heli dowlad soomaliyeed oo loo dhan yahay.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia