SOMALINET NEWS ...Archives
SAFIIRKA HOLLAND EE KU SUGAN NAIROBI OO KA DALBADAY GUDDIGA SOOMALIDA IYO BEESHA CAALAMKU INAY ISUGU YIMAADAAN KULAN DEGDEG AH May 11, 2005
Ninkan oo ka wakiil ah Ururka Midowga Yurub islamarkaasina ku sugan Magaalada Nairobi ayaa ka dalbanaya madaxda Soomalida iyo beesha Caalamku inay isugu yimaadaan shir looga arinsanayo xaalada taagan ee Soomaaliya.
Danjiraha ayaa tilmaamay in la doonayo wax ka ogaanshaha Wafdigii beesha caalamka ee dhowaan soo gaaray Muqdisho iyo safarkii Ra`iisal Wasaare Geedi uu ku tegay isla magaalada Muqdisho,uuna ka warbixiyo safarkiisii Xamar.
Ra`iisal Wasaare ku xigeenka 2aad ahna Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya Maxamuud C/laahi Sifir ayaa saxaafada u sheegay inay gaarsiiyeen Qoraal muujinaya howsha ay ka hayaan magaalada Muqdisho iyo heerka ay mareyso taasoo la xiriirtay amaanka magaalada,waxaa kale oo uu sheegay inay laba qoraal u kala direen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan,kaasi oo ahaa talooyin iyo safiirka besha caalamka oo ay isna gaarsiiyeen.
Mr Sifir ayaa sheegay inay lee yihiin xiriir toos ah,waxaana uu intaa raaciyay in xubnihii soo gaaray magaalada Muqdisho ee la socday Ra`iisal Wasaaraha aaney isku ujeeddo aheyn waa sida uu hadalka u dhigaye hase ahaatee waxaa uu tibaaxay in wasiirka gobolda Kenya iyo wakiilka Q/midoobay ay ku ballansanaayeen inay qiimey ku soo sameeyaan xaalada Muqdisho islamarkaasina ay indhahooda ku arkaan.