site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

CIIDAMADII WADANKA UGAANDHA OO MAR KALE DIB U DHAC KU YIMID IMAATINKOODII SOMALIYA May 11, 2005

Wararka ka imaanaya magaalada Kambala ee xarunta waddanka Yugandha ayaa waxay sheegayaan iney markale did udhacday xilligii ay ciidamada Urur goboleedka IGAD imman lahaayeen soomaaliya si ay ugarab istaagaan dowladda Fedaraalka ah ee iyadu weli deggan halkii markii horeba lagu yagleelay oo ah xarunta waddanka Kenya ee Nayrobi.

Warkan oo ay qortay wakaaladda wararka ee Royters oo soo xiganaysay wakaaladda wararka Qaramada midoobay ee IRIN ayaa qoraalkeeda waxay ku sheegtay sababaha ku keenay dib udahaca ciidamadii ay hore ugu yabooheen qaar ka mid ah waddamada ku jira urur goboleedka igad inay geynayaan gudaha waddanka soomaaliya,iyadoo soo qaadatay Royters in urur goboleedka IGAD ay haatan ku jiraan dadaallo au ku doonayaan iney dib uheshiisiin kale u furaan madaxda sarsare ee Dowladda FKMG ah Oo imminka u muuqda kuwo uu qilaafaadkoodu sii xoogeysanaayo,iyo sidoo kale in jaartarka u yaalla urur goboleedka IGAD uu haatan si wanaagsan u qeexeeynin qaabka ciidamada loo keenayo dalka soomaaliya taasoo keentay in urur goboleedku uu haatan billaabodib u habeyn uu ku sameynayo jaartarka si ay u caddaato qaabka ciidamada loo soo gelinayo dalaka Soomaaliya

Wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee IRIN oo warkan ka heshay toddobaadkan bartamihiisii Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada waddanka Yugandha ayaa qortay in hadda madaxda Dowladda Yugandha iyo kuwo katirsan waddamada kale ee IGAD ay isla baadi goobayaan qaabka ugu habboon ee dibuhabayn loogu samayn karo jaartarka IGAD ka hor intaan ciidamada la geynin dalka soomaaliya

Wakaaladda ayaa sidoo kale waxay qortay in caqabadaha kale ee hortaagan keenista ciidamada nabad ilaalinta soomaaliya inay ka mid tahay iyadoo aaney jirin fikrad,guu Oo dadka soomaalida ahi ay ka heystaan qorshaha ciidamada lagu keenayo dalka soomaaliya, si kastaba ha ahaato ee arrintan ku saabsan ciidamo geynta soomaaliya ayaa sida uu qorshuhu ahaa la filayay inay dhaqangasho soddonkii bishii Abril ee la soo dhaafay taasoo aanan dhicin, sida ay hada qortay IRIN na sarkaalka u dhashay Yugandha ee magaciisa qariyay waxaa uu ku celceliyay in qilaafka madaxda Dowladdu uu noqonayo mid saameyn weyn ku yeelan kara howsha ciidammo geynta IGAD ee soomaaliya dowladda Yugandha oo iminka haysa xilka guddoonka ururkuna waxay hadda googol u fidineysaa mas,uuliyiinta sarsare ee dowladda soomaliya si ay markale usiiso fursad ay ku wada hadlaan si ugu dambeyntana ay ugu wada heshiiyaan hal mowqif oo caddaan ah.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia