SOMALINET NEWS ...Archives
XUBNIHII BAARLAMAANKA EE MAANTA KU SHIRAY MAGAALADA NAYROOBI AYAA U CODEEYAY CIIDAMO LA KEENO SOOMAALIYA May 11, 2005
Sida uu ku warramay kuxigeenka koobaad ee guddoomiyaha baarlamaanka waxaa maantay shir isugu yimid xubno baarlamaan oo uu tiradooda ku sheegay illaa152 xubnood kuwaasoo uu ku wehliyay shirka Madaxwene C/llhi Yuusuf iyo wasiirka koobaad ee dowlada FKMG ah prf Cali Maxamed Geedi, inkastoo uu xusay brf dhalxa in shirkii maanta ee baarlamaanka uusan soo xaadirin guddoomiyaha golaha shacabka soomaaliya Md Shariif Xasan Sheeq Aadan oo muhiimad weyn u leh sida la wada ogsoonyahay fadhiyada uu yeelanayo baarlamaanku.
Ugu horreyn markii uu shirku furmay ayaa waxaa hadalkii qaatay madaxwene C/llaahi Yuusuf oo isagu ka hadlay arrimo badan oo ay ugu weyneyd isagoo eedeyn xooggan usoo jeediyay sidii lasii filayayba guddmiyaha baarlamanka qaranka soomaaliyeed Md Shariif Xasan Sheeq Aadan oo uu ku tilmaamay inuu ka dhegoadeygay dhowr qodob oouu sheegay inay ka mid aheyd in 17-kii maarso oo aheyd markii baarlamanka cod aqlabiyad leh uu ku diiday imaanshaha ciidammo ka socda safka hore uu shariifku isaga dhawaaqay arrintaa waa sida uu ku eedaynayo madaxweyne Yuusuf e,waxaa kale oo shariifka lagu eedeeyay in mooshin ay codsadeen illaa boqol xildhibaan inuu iska dhego tiray arrin kale oo seddeexaad ayaa waxaauu ku eeddeeyay shariifka oo aheyd in uu warqad isaga u qoray taasoo uu kaga codsanayay inuu isugu yeero xubnaha baarlamaanka balse iyadana aan laga aqbalin.
C/llhi Yuusuf waxaa kaluu sheegay inuu wax badan uu ka xishoonayay shariifka balse hada wixii ka dambeeya, waa inaanu qaadno buu yiri ‘tallaabo ku saabsan in xil dhibaannada joogaahi ay ka doodaan wixii qaranka dan u ah’,waxaana uu intaa ku daray in guddoomiyuhu uu leeyahay hal cod,isaguna uu leeyahay hal cod sidaasi daraadeedna la eegaa maslaxadda umadda soomaliyeed.
Markaasi kadib waxaa kulankii manta hadalka qaatay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka maxamad cumar dhalxa oo sheegay inuusan cinqilaab ku qabsan gudoonka baarlamaanka,waxaana uu intaa ku daray in baahidiisu ay tahay midda mudanayaasha baarlamaanku ay u codeeyaan,waxaa uuna intaa raaciyay in codadka mudanayaasha oo gaaraya 152 xildhibaan intooda badani uu noqonayo codka sharciga ah,iyadoo uu xusay in dowladdu ay la tegeyso natiijada codadka magaalada ardis ababa oo berito wafdi uu hogaaminayo wasiirka koobaad uu tegayo halkaasi uu shir ku saabsan arimaha soomaliya uu uga furmayo guddiga nabadgelyada afrika.
Kulankii manta waxaa kale oo ka hadlay cali maxamad geeddi,ra`iisal wasaaraha oo soo bandhigay qoraal muujinaya dowladda iyo goobta ay degeyso iyo ciidamada la keenayo wadanka soomaliya,waxaa uuna miiska soo saaray wadamada ugandha iyin suudaan,hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in madashii kulanka uu ka dhashay buuq saameeyay xildhibaanada oo dhan oo qaarkood ay sheegeen in qodobada ra`iisal wasaaruhu aaney caddeyn loona baahan yahay inuu caddeeyo,waxaa uuna tilmaamay inaan inay tahay in la keeno ciidamo ka socda midowga afrika islamarkaasina la ansaxiyo go`aankii wasiiradda arima dibadeedka IGAD ay gaareen.
Hase yeeshee qaarka mida xildhibaanada ayaa soo beegsaday gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka waxayna u sheegeen in qodobada ra`iisal wasaaruhu aysan caddeeyn loona baahan yahay in la caddeeyo ayna iyaga la tahay inay ka soo doodaan Hase ahaatee waxaa guddoomiye ku xigeenku uu qaatay go`aan ah in gacan taag loo codeeyo sidaasna lagu dhaqaaqo,taasina waxaa ay keentay in tirada codeeysay uu guddoomiye ku –xigeenku ku sheego mudanayaal gaaraya 145 xildhibaan kuwaasoo u codeeyay in soomaaliya la keeno wadamada jaamacadda carabta,kuw afrika,qodobkii kale ee ahaa meesha dowladdu ay degeyso uu ra`iisal wasaaruhu dib u dhigay.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia