site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

GUDOOMIYA BAARLAMAANKA IYO ASXAABTIISA OO XAMAR U SOCDA May 12, 2005

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ku weheliya safarkaiisa sabtida nagu soo fool leh inkabadan 50 xildhibaan.

Shariif xasan ayaa hadalkaan sheegay kadib markii qaar ka mida xildhibaanada ku sugan magaalada Nairobi ay qaateen go`aan ah in ciidamo shisheeye la keeno soomaliya, kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya nabad ka aslaaxda soomaaliya

Shariif xasan ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn inuu ku sii nagaado magaalada Nairobi bacdamaa lagu gaboodfal lagu sameeyay sharcigii baarlamaanka soomaliya.

Shariif xasan ayaa carabka ku adkeeyay imaanshihiisa ku aadan magaalada muqdisho oo ah xarunta soomaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka shariif xasan ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha dowladda federaalka c/laahi yuusuf inuu yahay shaqsi si toos ah ugu tumanaya sharciga,isagoo intaa ku daray inuu yahay nin baneysta wax walba oo aan sharciga ku banaaneyn waa sida uu yiri,waxaana uu intaa ku daray in dhacdadii shalay ay abuuri doonto dhibaato hor leh.

Safarka shariifka ee muqdisho ayuu ku sheegay inay ku wehlin doonaan xildhibaano farabadan,waxaana uu cadeeyay inay magaalada muqdisho ka agaasimi doonaan howlo xasaasi ah.

Si kastaba ha ahaatee shacabka soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwan codeeyntii shalay,iyadoo qaar ka mida xubnaha labada gole ee muqdisho ku sugan ay sheegeen inay tahay dhibaato baahsan oo loo geystay sharcigii baarlamaanka soomaaliya.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia