SOMALINET NEWS ...Archives
RA`IISAL WASAARE GEEDI OO U DUULAY ARDIS ABABA May 12, 2005
Safarka rai`iisal wasaare Cali Maxamad Geedi ayaa waxaa uu ku wajahan yahay ka qeyb gelista shirka golaha amaanka ee wadamada afrika,kaasoo manta ka furmaya magaalada ardis ababa ee waddanka Ethiopia
Socdaalka ra`iisal wasaaraha waxaa ku wehliya Wasiirka iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Cismaan Xasan ‘Juriille’
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi oo uu ra`iisal wasaaruhu maanta ka dhoofay ayaa sheegaya in codeeyntii xildhibaanada ee shalay ay soo dedejisay duulimaadkiisa kadib markii ay u codeeyeen in Soomaaliya la keeno wadamada suudaan iyo Uganda kuwaasoo la doonayo inay ilaaliyaan xubnaha dowladda iyo goobaha dowladda
Geeddi ayaa wararku sheegayaan inuu sida ugu dhaqsiiyaha u doonayo meelmarinta ciidamo la keeno soomaliya
Hase ahaatee waxaa jira qaar ka mida mas`uuliyiinta dowladda federaalka ayaa ku tilmaamay codeeyntii shalay mid si weyn uga soo horjeedda sharciga baarlamaanka
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia