SOMALINET NEWS ...Archives
51 XILDHIBAAN OO MAANTA SHIR JARAA`ID KU QABTAY NAIROBI May 12, 2005
xildhibaanadan oo ah kuwii ka biyo diidsanaa codeeyntii shalay ka dhacday Nairobi ee lagu ansixiyay keenista soomaliya ciidamo ka socda suudaan iyo Uganda ayaa manta shirkooda jaraa`id waxaa ay ku soo bandhigeen tiradii shalay codeysay oo ay ku sheegeen 123 mudane, sidoo kale waxaa ay shirkoodii manta ku soo gudbiyeen magacyada xildhibaano gaaraya 101 xildhibaan oo ay sheegeen inaysan joogin Kenya sidoo kale waxay tilmaameem inay iyaguna yihiin 51 xildhibaan
mudanayaashan ayaa shirkoodii jar`aaid ee maanta eedeeyn dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda federaalka C/laahi yuusuf oo ku tilmaameen inuu yahay nin is bidaya awood uusan laheyn waa sida ay u yiraahdeene,waxayna sidoo kale xuseen in madaxweynuhu uu horay ula wareegay awooddii uu lahaa ra`iisal wasaare geedi,iminkana uu doonayo inuu ku darsado midda golaha baarlamaanka
xildhibaanadan ayaa sidoo kale dhaleeceyn dusha uga tuuray guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Dhalxa,waxayna shir saxaafadeedkoodii kula taliyeen madaxweyne yuusuf inuu u hogaansamo sharciga islamrkaasina uu joojiyo halheyska ah’Anaa iri’oo ay yiraahdeen mar hore ayaa laga soo gudbay
ugu danbeeyntii waxaa ay cadeeyeen inay dhowaan soo aadi doonaan magaalada muqdisho iyagoo sheegay in maalinta bixitaanka uu ku dhawaaqi doono guddoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia