site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

XUBNAHA LABADA GOLE EE KU SUGAN MUQDISHO OO QAADACAY NATIIJADII SHALAY May 12, 2005

Xubnahan oo kulan maanta ay ku yeesheen Xarunta Baarlamaanka ayaa kulankoodii lagu lafa guray ansixintii shalay ay qaar ka mida xubnaha Baarlamaanku ku ogolaadeen keenista ciidamada Suudaan iyo Ugandha inay aheeyd mid sharci darro ah iyagoo u cuskaday dhowr qodob oo kala ah in Guddoomiyaha Baarlamaanka oo jooga Nairobi uusan ka qeyb gelin shirkaas iyo Choram-ka oo aan aheyn mid dhameystiran

Ra`iisal wasaare ku-xigeenka 1aad,ahna Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Claahi ‘sifir’oo kulankii manta kadib Saxaafadda la hadlay ayaa xusay inay iyagu ku doodayaan sharci,islamarkaasina ay qaadaceen mirihii ka soo baxay shirkii shalay

Dhinaca kale xubnaha labada gole ayaa sheegay in howshii nabadgelyada ee muqdisho ay dardargelinayaan iyadoo maalinta Sabtida ah ee soo socota garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium la isugu keeni doono gaadiidkii loogu talagalay sugidda amaanka G/Banaadir oo gaaraya ilaa 85 gawaarida dagaalka ah

Shirkii manta ayaa waxaa ka dhex muuqday wasiirada ganacsiga,amniga qaranka,howlaha guud iyo guriyeeynta,hubka dhigista iyo xubno kale

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia