site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

GO`AAMO KA SOO BAXAY MAANTA SHIRKII URURKA MIDOWGA AFRIKA EE ADIS ABABA May 12, 2005

Shirkii maanta ka furmay magaalada Adis ababa oo uu ka qeyb galay ra`iisal wasaare geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wararka ka imaanaya halkaasi waxaa ay sheegayaan in laga soo saaray go`aamo dhow ah oo quseeya soomaliya waxaana ay ay kala yihiin, in soomaaliya loo diro ciidamo ka qeyb qaata amaanka dowladda,ciidamadaas ayaa wararku sheegayaan inay gaarayaan ilaa 1700 oo askari kuwaasi oo ka socda wadamada ugandha iyo suudaan

Golaha amaanka ee midowga afrika ayaa sidoo kale ka codsady Q/midoobay inay ka qaadaan soomaaliya cunaqabateyntii dhinaca hubka ee saarneyd,sidoo kale waxaa ka soo baxay shirkii manta in muddo todobaadyo gudohood ah lagu geeyo ciidamadaas dalka soomaliya

Hase yeeshee gudoomiyaha golaha amaanka afrika ayaa sheegay in qarashka ku baxaya ciidankaas inuu gaarayo ilaa $10 million,waxaa uuna sheegay inaan xiligan lacagtaas waxba laga heyn balse waxaa uusan meesha ka saarin muhiimada ciidan la geeyo soomaliya

Cali geedi oo isna kulankii manta ka hadlay ayaa sheegay in joogitaanka kiinya ay ugu eg tahay dowladda 31may,wixii ka danbeyana ay ku qasban yihiin inay u guuraan soomaliya waxaa uuna intaas ku daray in lagama maarmaan ay tahay in dowladdu ay tagto gobolada soomaaliya geedi ayaan meesha ka saarin baahida loo qabo ciidan dowladda kala shaqeeya arimaha nabadgelyada

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia