SOMALINET NEWS ...Archives
DIB U DHAC KU YIMID SAFARKII SHARIIF XASAN EE MUQDISHO May 13, 2005
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa sheegay in safarkiisii maalinka berri ah uu ku taegi lahaa magaalada Muqdisho isaga iyo xildhibaano kale uu baaqday kadib markii sida uu sheegay ay soo wajaheen arimo la xiriira dhinaca diyaarada.
Shariif xasan ayaa hase yeeshee waxaa uu tilmaamay inuu aadayo Xamar maalinta Axadda ah islamarkaasina uusan ka dib dhaceeynin waa sida uu sheegaye.
Sidoo kale waxaa uu xusay in booqashadiisa Xamar uu ku eegi doono heerka ay mareyso howlihii ay wadeen labada Gole ee ku sugan magaalada Muqdisho isagoo intaa ku daray inuu ka qaadanayo howshaas in Alle iyo intii karaankiisa ah.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in falkii ay qaadeen xildhibaanada Nairobi inuu ahaa mid aan sinnaba sharci u aheyn.
Dhinaca kale waxaa habeenkii xalay ahaa jiray isku dayo badan oo ay deeq bixiyaashu ka wadeen magaalada Nairobi,kaasoo ay ku doonayeen inay isu soo dhoweeyaan Madaxweynaha iyo Shariifka hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in dadaalkaasi lagu guuldareeystay.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia