SOMALINET NEWS ...Archives
GAADIID DAGAAL OO MAANTA LA ISUGU GEEYAY STADUIM MOGADISHU May 14, 2005
<|militia.jpg||left|>Gaadiidkan oo gaarayay ilaa 85 gaari ayaa ah kuwo loogu talagalay sugida amaanka muqdisho, waxaana gaadiidkan keenay raga hubeeysan ee ku jira dowladda federaalka Kuwaasoo horay u ballanqaaday.
Ujeedada gaadiidkan loo soo bandhigay ayaa ah sugidda amaanka magaalada Muqdisho, waxaana manta garoonka ciyaaraha xaadir ku ahaa dadweyne aad u farabadan, kuwaasoo ka kala yimid Degmooyinka G/Banaadir islamarkaasina u kuur gelayay balllanqaadka ay hogaamiyaasha hubeeysan ee Muqdisho ay ku ansixiyeen magaalada Nairobi ee ahaa uruurinta gaadiidkooda dagaalka si loo sugo amaanka magaalada muqdisho.
Kulankii maanta la isugu keenay Baaabuurtan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho waxaana ay sheegeen in maAnta wixii ka danbeeya ay sugayaan nabadgelyada magaalada muqdisho islmarkaasina aan loo dul qaadan doonin amaandarro danbe oo ka dhalata magaalada.
Axmad Diiriye oo hadda ah Afhayeenka labada gole ayaa warbaahinta Somalinet u sheegay in gaadiidkan qaarkood lagu xareeynayo Laanta buuro iyo Hiilweyne, waxaa kaloo uu intaa ku daray in gaadiid yar oo dhimana ay iminka wadada ku soo jiraan.
Waxaa kale oo uu Yiri ’roondo ayay sameynayaan habeen iyo maalin’.
Gaadiidkii maanta soo gaaray Stadium-ka oo la isku dhafay, ayaa la sheegayaa in galabta 3da galabnimo ay soo gabagabeeyn doonaan bandhigooda
Si kastaba ha ahaatee waa markii koobaad oo ay hogaamiyaasha muqdisho ee hubeeysan ay meel qura isugu keenaan gaadiidkooda dagaalka, kuwaasoo qaarkood ahaa kuwa aan heshiis aheyn, waxaana soo baxaya rajooyin nabadeed oo ay muujinayaan qaar ka mida dadweynaha muqdisho.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia