SOMALINET NEWS ...Archives
SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS OO KA JAWAABAY HADALKII ZENAWI May 14, 2005
Sheekh xasan daahir aweys oo kamida culima’udiinka ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa ugu baaqay culima da iyo aqoonyahanada ku dhaqan magaalada muqdisho ineey u diyaar garoobaan difaaca dalkooda.
Shiikha waxaa uu ka Hadley ujeedka Ethiopia iyo danaha siyaasadeed ay ka leedahay dalka soomaaliya iyo sida mar walba ay u hadal hayso in gudaha soomaaliya ay ku sugan yihiin wax ay ku shegaan argagixiso waa sida uu yiri sheequye, tasoo u ku macneeyey mid ay ku dooneyso qabsashada dalka soomaaliya, isagoo sheekha intaa raaciyey ineey ka war hayaan dulucda ka danbeeysa arintaas.
Waxaa kaloo sheekha uu eed dusha uga tuurey Ra’iisal wasaarraha dalka Ethiopia Meles Zanawi inuu wado ujeedooyin uu ku doonayo dadka soomaaliyeed inuu ku dulleysto kuna qabsado balse ay og yihiin oo ay iska difaaci doonaan.
Sheekha ayaa soo hadal qaadey doorka siyaasadeed ee meles zanawi iyo Somalia taasoo inta badan uu ku beer laxawsado caalamka in soomaliya ayjoogto alqaacida, waxaanu sheegay in wax badan ay kala socdaan arimahaasi ayna ogaadeen in dowladda israa’iil ay la hadashey dalka mareykanka si uu cadaadiska uga qaadato dalka Ethiopia dabadeedna ugu hirgasho hadafkeeda siyaasadeed ee ku aadan qabsashada soomaaliya
Sheekha waxaa kaloo oo uu beeniyey in gudaha soomaaliya ay ku sugan yihiin aragagixiso ka soo carartey wadamo kale sida ay sheegeen sirdoonada wadamada Mareykanka iyo Kenya taasoo uu ku tilmaamey been aan sal lahayn.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia