SOMALINET NEWS ...Archives
XUBNO BAARLAMAANKA JOOGA NAIROBI OO KA JAWAABAY HADALKII ZENAWI May 14, 2005
Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya oo ku sugan Nayrobi ayaa si Kulul u cambaareeyay hadal dhawaan ka soo yeeray malles zanawi oo uu ku sheegay in Al-qaacidda ay ku sugantahay gudaha Soomaaliya.
Mudanayaashaan ayaa ku tilmaamay warkii ka soo yeeray R/wasaaraha Ethiopia inuu yahay mid ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gudaha Soomaaliya,waxaaney ku timaameen in Malles zanawi uu u middiyo lisanayo sidii uu ku gali lahaa gudaha Soomaaliya isla markaana ay Ethiopia u isticmaali laheyd dekadaha soomaaliya Iyagoo carrabka ku dhiftay Dekadaha Muqdisho, Kismaayo, Cadale iyo Warshiiq.
Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Nayroobi ayaa waxay intaasi sii raaciyeen inayan Soomaaliya joogin waxa loogu yeero Argagixisada,waxayna ugu baaqeen Malles zanawi inuu ka fiirsado hadlada aan loo meel dayin ee uu had iyo goor kaga beensheego xaqaa,iqa dhabta ah ee ka jira soomaaliya.
Xubnahan ayaa soo hadal qaaday, dhibaatooyinka iyo Cabburinta siyaasadeed ee uu malles ku hayo dadka reer Ethiopia iyo ku shubashada doorashooyinka ee uu ka caado yeeshay iyagoo xusay inuu ka dhashay qabiilka ugu tirada yar qabaa,illada ka jira dalka Ethiopia.
Xildhibaanadan ayaa ugu dambeyntii waxay ugu baaqeen Malles inuu ka dhowrsado siyaasadda ay ku sheegeen mid marin habow ah taasi ooay yiraahdeen waa mid inta badan uu kula dul kufo dalkiisa iyo dalka jaarka la ah ee Soomaaliya.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia