SOMALINET NEWS ...Archives
GAADIIDKII DAGAALKA OO U KALA HAYAAMAY XERYO DIBADDA KA AH MUQDISHO May 14, 2005
Gaadiidkan oo tiradii la sugayay ay aheyd ilaa 85 gaari ayaa xilligii lagu ballansanaa ee 3dii galabnimo ee manta waxaa ka soo xaadiray gaadiid gaaraya 60 gaari, kuwaasi oo xilligan u kala caraabay xeryaha Laanta buuro iyo Hiilweyne, waxaana kala hogaaminayay mas`uuliyiin ka tirsan labada gole.
Munaasabadii lagu dirayay baaburtan oo gelinkii danbe ee maanta ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Mogadishu stadium ayaa waxaa ka hadlay Maxamad Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxoow oo labaduba wasiiro ka ah dowladda federaalka waxayna ku nuuxnuuxsadeen ahmiyadda ciidankan iyo sida loogu baahan yahay sugidda amaanka Caasimadda Muqdisho,waxayna tilmaameen inaan loo baahneyn ciidamo ka socda Suudaan iyo Uganda,iyagoo sheegay in ciidankii cagaha soo dhiga soomaaliya ay iyaga u taalo wixii ay la kulmaan islamarkaasina mas`uuliyada ay qaadayaan ciddii soo dirsatay,waxaa kaloo ay ugu baaqeen dadka ku dhaqan Muqdisho ee dooneysa ciidan,inay iska xaadiriyaan goobaha ciidanka la geeyay si loo diiwaan geliyo.
Kulankii labada gole ayaa ciidankan lagu wareejiyay Ra`iisal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta Maxamuud C/laahi Jaamac ‘Sifir’iyo Cismaan Cilmi Boqore oo isna ah G/Ku-xigeenka 2aad ee Baarlamanka KMG ah,labadan mas`uul ayaa iyana u xilsaaray howsha isku duwidda ciidamada loogu talagay inay sugaan amaanka Muqdisho Jeneraal Maxamad Nuur Galaal oo ka mida saakiisha sarsare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan la xareeyay ay maalmaha soo socda ku soo biiri doonaan ciidamada ay leeyihiin Maxaakiinta Islaamiga ah iyo kuwa ganacsatada,waxaana la sheegayaa inay wadajir uga shaqeeyn doonaan arimaha la xiriira nabadeeynta muqdisho.
Xareeynta ciidamadan ayaa noqotay hadalheynta ugu badan ee hareeysay magaalada Muqdisho,waxayna dadka badankii muujinayaan yididiilo nabadeed,iyadoo ay jiraan dad aan sidaa u badneeyn oo qaba inaan la aamini Karin hogaamiyaasha Muqdisho ee iminka u xuubsiibtay Wasiirnimada,waxayna soo daliishanayaan ballamo hore oo ayan sidii la doonayay u fulin.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia