site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WAREEGTO KA SOO BAXDAY XAFIISKA RA`IISAL WASAARAHA OO XILKA QAADIS AH IYO MAGACAABIS May 14, 2005

Wareegtadan ayaa wararka ka imaanaya Nairobi waxaa ay sheegayaan in madaxweyne yuusuf uu isna saxiixay. Wareegtadan ayaa waxaana saxaafadda u qeybiyay afhayeenka madaxweynaha yuusuf bar bari.

Wasiirada xilka laga qaaday waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta maxamuud c/laahi sifir oo xilkiisii laga qaaday. Waxaa sidoo kale laga qaaday wasiirul dowlaha dib u dhiska iyo dib u dejinta c/kariin cige guuleed. Waxaana wasaarada warfaafinta loo magacaabay maxamad cabdi xayir. Wasiir u dowlaha wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda waxaa loo magcaabay maxamad jaamac furux, sidoo kale cali maxamad fiqi ayaa isna loo magacaabay wasiir u dowlaha wasaarada kaluumeysiga iyo kheyraadka badda, farxaan cali maxamuud ayaa isna loo magacaabay wasiiru u dowlaha wasaaradda qorsheynta qaranka iyoiskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale axmad maxamad laxoos waxaa loo magacaabay wasiiru u dowlaha wasaarada wasaaradda dib u heshiisiinta iyo xiriirka jaaliyadda dibadda. Waxaa kale oo la magacaabay c/kariin cige guuleed waxaana loo magcaabay wasiiru u dowlaha wasaaradda howlaha guud iyo guriyeeynta, iyadoo ibraahin maxamad deer loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta.

Sidoo kale waxaa uu magcaabay ra`iisal wasaare geedi qadar biixi caalin waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo maareeynta aafooyinka Sidoo kale xasan ibraahin maxamuud waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda samafalka bulshada iyo xuquuqul insaanka,cabdi kariin cusmaan dirir ayaa isna loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada dib u dhiska iyo dib u dejinta.

Sidoo kale madoobe muumin maxamad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada batroolka,sidoo kale waxaa la magacaabay yuusuf maxamad qeyr, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta iyo iskaashatooyinka, ismaaciil cabdi maxamad waxaa loo magcaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha.

Ugu danbeeyn wareegtadan waxaa manta saxiixay madaxweyne C/laahi yuusuf axmad

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia