site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

SHARIIF XASAN OO KA SOO DEGAY GAROONKA DAYNIILE EE MAGAALADA MUQDISHO May 15, 2005

Abaarihii duhurnimadii maanta ayaa waxaa garoonka Dayniile ka soo degay Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdiga uu horkacayo.

Jawiga garoonka ayaa ahaa mid si weyn uga bedelan imaanshihii hore,waxaa la adkeeyay amaanka garoonka,waxaa garoonka jooga inta badan xubnihii labada Gole ee ku sugnaa magaalada Muqdisho sidoo kale waxaa iyaguna goobta ku sugnaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool caasimadda Muqdisho,iyadoo marba marka ka danbeysa ay dadweynuhu soo kordhayeen.

Goobtaasi waxaa kale oo ku sugnaa ciidamada Booliiska oo ay wehliyaan kooxda Bambay-da,waxayna salaan siiyeen guddoomiyaha Baarlamaanka marka uu diyaaradda ka soo degay isaga iyo wafdigiisa.

Waxay aheyd markii 1aad ee mas`uuliyiinta dowladda Federaalka aan lagu soo dhoweyn gaadiidka hubeeysan waayo waxaa manta camirnaa garoonka Dayniile gawaarida cad cad iyo Fardo lagu soo dhoweynayo wafdigan,waxayna booqashan Shariifka ay ku soo beegantay xilli gaadiidkii Dagaalka lagu kala xareeyay xerooyin dibadda ka ah Muqdisho.

Sidoo kale waxaa xarunta Baarlamaanka isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah iyo qaar ka mida Fanaaniinta iyo kooxda Bambay-da,waxayna dhamaantood muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha wafdigaan.

Si kastaba ha ahaatee imaanshaha Ra`isal Baarlamaanka ee Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan loo arkaa inkastoo inta badan dadweynuhu ay muujinayaan in shariifku uu dhiirigelin siinayo labada Gole ee Xamar jooga.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia