SOMALINET NEWS ...Archives
MUNAASABADA 15-KA MAY OO SOOMAALIYA LAGA XUSAY May 15, 2005
Sannad guuradii 62aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii urukii dhallinyarada ee SYL oo ka soo qaybqaatay halgankii loo soo galay xorriyadda Soomaaliya ayaa xaflado lagu weyneynayo xuska maalintaasi waxaa ay ka kala dheceen hoteelada kala ah Ambassador iyo Amiira oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo ay xuskaasina ka qeybgaleen Mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.
Mas’uuliyiinta ka qeygashay xafladihii maantay ayaa waxaa ka mid ahaa Cali Shiddo oo isaga ka mid ahaa halgamayaashii Ururkii SYL kaasoo Hotel Ambassador ka jeediyay qudbad aad u dheereyd oo uu kaga warramayay halgankii dheraa ee dhallinyaradii SYL ay usoo galeen xornimada aannu maantay haysanno iyo doorka muhiimka ah ee looga baahanyahay dhallinyarada manta,sidoo kale waxaa isna mas;uuliyiintii maantay ka hadlay xafl;adaha loo sammeynayay xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka may ka mid ahaa Guddoomiyaha ururka israaca dhallinyarada 15-ka may md C/rashiid C/llaahi Abiikar oo isna sheegay iney u taaganyihiin sidii mar labaad loo soo nooleyn lahaa halgankii ay hore u billaabeen dhallinyaradii SYL oo uu ku sheegay inaan si wanaagsan loog mira gurin.
Munaasbaddaas mid lamid ah oo ay soo abaabuleen ururka dhallinyarada ee New SYL ayaa iyana lagu qabtay Hotel Amiira taasoo ay ka qeybgaleen qaar kamida dhaqaatiirta magaalada Muqdisho, waxaana ka hadlay agaasimaha cisbitaalka Madiina dr shiikh doon salaad cilmi, xaflado kale oo iyaguna lagu weyneynayo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka may ayaa waxaa lagu qabtay magaalooyinka Marka, Jowhar, Kismaayo, iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia