site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

DAGAAL KA DHACAY GOBOLKA JUBADA HOOSE May 15, 2005

Dagaalkan oo dhimasho iyo dhaawac ayaa maantay waxaa uu ka dhacay meel u dhexysa kaamjiroon iyo magaalada kismaayo.

Dagaalkaan oo u dhexeeya beelo halkaas wada dega ayaan illaa iyo hada lagaran kareynin qasaaraha dhabta ah ee uu geystay waxaana lagu soo warramayaa in saakay ilaa duhurnimadii maanta uu soconayay dagaalku, iyadoo ilo muhiim ahina ay ku warramayaan in dagaalku uu geystay dhimasho iyo dhaawacba.

Dagaalkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu u dhexeeyo beelaha Cowrmale iyo Gaaljecel kuwaasoo wada dega dhulka ay dirirtu ka soconayso oo ku xeeran degaanka kaamjiroon oo illaa 75km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa wuxuu intaasi sii raacinayaa inmalleeshiyooyin ka tirsan beelaha dirirayaahi ay ka bexeen magaalada Kismaayo maanta si ay ugu biiraan colaaddaasi Sidoo kale waxaa isna maanta magaalada Kismaayo ka baxay taliyaha ciidamada isbahaysiga dooxada Jubba mr Goobaanle iyo ciidammo uu wato kuwaasoo qorshahoodu yahay sidii ay u joojin lahaayeen dagaalka halkaasi ka soconaya.

Dagaalkan oo daba jooga mid mar sii horreysay ka dhacay isla deegaannaadi oo dhexmarayna isla beelahaasi oo ay hore ugu dhinteen tiro dad ah oo gaareysay illaa Toddobo ruux iyadoo sababta dagaalkana lagu sheegay milkiyadda dhul degaan ah oo halkaasi ku yaalla. Kaasoo ay isku heystaan labadaasi beelood.

Xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

Mugadishu somalia