SOMALINET NEWS ...Archives
SHARIIF XASAN OO BOOQDAY XERADA CIIDAMADA LAANTA BUURO EE G/SH/HOOSE May 16, 2005
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tegay xerada ciidamadii Maliishiyooyinkii Muqdisho laga saaray ee laanta buuro ee shabeelada hoose Booqashada Shariifka ayaa la xiriirtay u kuurgelista xaaladda ciidankaasi iyo waxyaabaha ka dhiman meelmarintooda, waxaana uga horeeyay oo ku sugnaa goobtaasi Wasiirka Ganacsiga ee dowladda federaalka Muuse Suudi Yalaxoow oo tan iyo markii ay ciidankaasi xareyntoodii madashaas kula sugnaa.
Booqashada Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdiga uu horkacayo ayaa ku soo beegantay xilli maliishiyaadka loo furay Tababar ciidannimo si ay u hantaan amaanka magaalada Muqdisho oo ahaa muddoyinkii ugu danbeeyay mid loo caalwaayay,kaas oo halkaasi uga bilowday,iyadoo ay wax ka dhigayaan saraakiil ka tirsan ciidamadii hore ee Soomaaliya Kasokow wafdiga uu hogaaminayo waxaa kale oo barbar socday haweenka G/Banaadir oo qeyb ka ciyaaraya bixinta tashiilaadka ciidankani ay u baahan yihiin Guudahaan labada xero ee Laantabuuro iyo Hiilweyne oo labaduba ka tirsan gobolada Shabeelooyinka.
Afhayeenka ayaa la filayaa inuu qudbad u jeediyo maliishiyadan iyo waxyaabihii uu muqdisho kala kulmay si kastaba ha ahaatee shabakadda wararka Somalinet, goor dhow ayay idin soo gudbineysaa qudbadda guddoomiyaha oo faahfaahsan.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia