SOMALINET NEWS ...Archives
AFHAYEENKA BAARLAMAANKA OO HADAL U JEEDIYAY MALIISHIYADA KU XAREEYSAN LAANTA BUURO May 16, 2005
Intii uusan guddomiyuhu bilaabin hadalka uu u jeedinayay maliishiyada ku xareeysan xerada laanta buuro ayaa waxaa uu soo kormeeray xabsiga laanta buuro oo iminka aan heysan dayactir wanaagsan.
Afhayeenka baarlamaanka oo ay dhinac taagnaayeen ku xigeenkiisa iyo wasiirka ganacsiga ayaa u sheegay maliishiyadaas inay ka faa`iideystaan fursaddan islamarkaasina ay noqdaan ciidan qaran, sidoo kale waxaa uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo amaan ka curta muqdisho iyo guudahaan soomaaliya waxaa uunna sheegay inay iyagu yihiin kuwa looga fadhiyo howshaas.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay iska hilmaamaan shaqadii burburinta aheyd ee ay caadeeysteen qaarkood ayna mudan tahay inay u istaagaan dib u dhiska dalka Shariifka ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada iyo wasiirada ku mashquulsanaa uruurinta maliishiyaadka iyo xareytooda, isagoo sidoo kale amaan u jeediyay sida haboon ee ay maliishiyaadku diyaarka ugu yihin waxka qabashada mabadgelyad magaalada muqdisho.
Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku daray in xubnaha labada gole aysan ka baaqsan doonin wax u qabashada iyo tababarka maliishiyaadka isagoo ku booriyay in iminka dowladdu ay u soo jeesatay arintaa iyada ah waa sida uu hadalka u yiri Si kastaba ha ahaatee waa booqashadii ugu horeeysay ee uu guddoomiyaha baarlamaanku ku tago tan iyo markii loo doortay xilkaasi
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia